Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann Oo Doonaya In La Xaliyo Arinta Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Ka Hor Koobka Aduunka.

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa doonaya in la xaliyo arrin walba oo ku saabsan mustaqbalkiisa ka hor koobka Aduunka ee bartamaha sanadkaan ka dhici doona Russia xilli aad loola xiriirinayo Barcelona.
Xidigii hore Sociedad kaas oo hadda ku sugan dalka France si uu kulamada soo aadan ee saaxiibtinimada u matalo qarankiisa ayaa ka dhawaajiyay in wax walba la dhameyn doono ka hor koobka Aduunka isla markaana uu Russia aadi doono isagoo aan wax ka fakareynin.
“Mustaqbalkeyga waxaa la go’aamin doonaa ka hor koobka Aduunka” ayuu yiri isagoo wareysi siinaya L’Equipe.

“Waxaan doonayaa inaan aado Russia iyadoo ay maskaxdeyda waxba ka guuxeynin”

Comments

Popular posts from this blog

Raining